279 Views

Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre “Waxaan Al-Shabaab ka xirnay 250 akoon oo banki

Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre  “Waxaan Al-Shabaab ka xirnay 250 akoon oo banki
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 11, 2023

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Masar ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka dhinaca maaliyadda ah ee ay dowladda Federaalku ku qaadday maleeshiyada Al-shabaab.

Ra’isul Wasaahara ayaa sheegay inay Al-shabaab ay ka xireen 250 akoon oo ay ku lahaayeen 4 banki. Wuxuu intaa ku daray inay sidoo kale xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray oo ay ku lahaayeen laba shirkadood.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xogta numberadaas la xiray ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kadib markii dowladdu ay bishii Oktoober ee sankadii hore sameysay numbarro ay soo wici karaan dadka ay Al-shabaabku soo weydiistaan ‘lacagaha baadda ah.’

“Markii la arkay in dowladdu shaqeyneyso waa la aaminay” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in la baarayo lacagaha ku jira akoonada iyo numberada la xiray. Wuxuu ammaanay wasaarado ay ka mid yihiin warfaafinta, maaliyadda iyo isgaarsiinta oo ay sheegay ‘inay kaalintooda ka qaateen dagaalka dhinaca maaliyadda ah; ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Wuxuu intaas ku daray inay xireen shakhsiyaad lagaco u waday saldhiyo ay Al-shabaab ku lahaayeen maagaalooyin ay ka mid yihiin Basra, Gandarshe iyo Xawaadley.

“Qofkii la qabto isaga oo lacag u wada Al-shabaab waa dambilley, wuuxna la mid yahay iyaga” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamza.

Ra’isul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhaqaalaha Al-shabaab uu hoos u dhacay, isla markaana ay soo wajahday lacag la’aan, ayna ku sugan yihiin wuxuu ugu yeeray ‘duruuf aad u adag’.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post