2079 Views

Madaxweynaha Soomaliland Oo Lakulmay Dhaxal sugaha Imaaraatka

Madaxweynaha Soomaliland Oo Lakulmay Dhaxal sugaha Imaaraatka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 14, 2018 —- Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo, gaarayna Magaalada Abu Dhabi Caasimadda Imaaraatka ayaa xalay kulan hordhac la qaatay Dhaxal sugaha Imaaraatka.

Wafdiga Madaxweyne Biixi waxa kamid ah:- Wasiirada Arrimaha Dibadda, Dastuurka, Biyaha iyo xubno kale, waxaana sidoo kale Safarka ku wehliya Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Injineer Feysal Cali Waraabe.

Waxaa jiri doono Kulamo kale oo dhexmari doono Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo Dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta.

Maamulka Somaliland ayaa heshiis Saami qeybsi ah la gaartay Shirkadda Dekedaha qaabilsan DP-World ee Imaaraatka laga leeyahay, waxaana ka dhashay Carro ka timid Golaha shacabka iyo Golaha Wakiilada Maamulkaasi.

Kulamada waxa ay kaga hadli doonaan go’aanka Dowladda Federaalka, Dacwadda ka dhanka ah Imaaraatka Carabta, Culeyska ay Jabuuti saartay iyo guud ahaan waxyaabaha ku xeeran.

Sida Qorshuhu yahay Dhaxal sugaha Maxamed Bin Zayed Al Nahyan lahaanna martiqaadka Madaxda Maamulka Somaliland waxa uu kulan gaar ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Somaliland iyo Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID.

Wafdiga Somaliland oo ka hadlay safarkooda Imaaraatka waxa ay dhankooda sheegeen in kulamadaan lagu xoojinayo Xiriirka Imaaraatka kala dhaxeeyo, iyagoona rajeeyay in Natiijooyin ay kasoo baxaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment