1242 Views

Hormuud Salaam Foundation ee keentay Warshada Dhalisa Ogsijiinta.

Hormuud Salaam Foundation ee keentay Warshada Dhalisa Ogsijiinta.
____________________________________________________________________________


Jimco: October 1, 2021

Magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu daah furey warshad dhalisa Ogsijiinta, oo aay ku deeqdey Hormuud Salaam Foundation, warshadaasoo dhawaan dalka la keenay, ayaa waxaa laga soo iibiyey wadanka Turkiga, waxaana aay soo saari doontaa usbuucii 51,004  (konton iyo kow kun iyo afar litir  oo Ogsijiin ah, taasoo wax weyn ka tari doontaa Ogsijiin yarida ka jirta Somalia, taasoo dhibaato weyn ku heysey dadka uu soo rito xanuunka Covid-19.

Xaflada lagu daafurayey warshadaas ayaa waxa kasoo qeybgalay masuuliyiin kala duwan sida Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Wasiirudowlaha Amniga , Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Gudomiyaha Hormuud Telecom, Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Safiirka dowlada Turkiga ee Somalia,  madaxda ganacsatada, madaxda bullshada rayidka, madaxda Isbitaalada, qeybaha kala duwan ee saxaafada, iyo marti sharaf kale.

Dhammaan dadkii ka hadlay goobta ayaa aad iyo aad uga mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation, soo iibinta warshadaan dhalisa Ogsijiinta, taasoo dabooli doonta baahida Ogsijiin yarida ee ka jirtey Somalia. Waxaa la xusay in dad badan aay u dhinteen Ogsijiin la,aan, ayna culeys weyn ku heysey dhammaan dadka Soomaaliyeed, haatanse aay warshadaan ka fududeysey culeyskaas, waxeeyna  ugu duceeyeen Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank in ilaaheey u barakeeyo maalkooda.

Gudoomiyaha Hormuud Telecom Mudane Ahmed Mohamud Yusuf, ayaa sheegey ineey damqisey, dhibaatadii Ogsijiin la,aanta ee heeysatey dadka Soomaaliyeed, taasna aay keentey ineey soo iibiyaan warshadaan, kuwo kalena aay keeni doonaan insha allah.

Dhanka kale Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, ayaa sheegey in warshadaan kharashaadka ku baxay aay dhan yihiin $465,000 ( afar boqol iyo lixdan kun dollar), ayna bixin doonaan kharashaadka ku baxaya iyo dayactirkeeda, si howshi loogu talo galay aay u sameeyso.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya Dr Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa aad uga sheekeeysey dhibaatadii aay kala kulmeen ogsijiin la,aanta, iyo xanuunkii aay ku heysey, maantana aay ku faraxsan tahay in Hormuud Salaam Foundation aay ku deeqdey warshadaan dhalisa Ogsijiinta, waxaana aay  aad ugu duceeysey in ilaaheey xoolahooda u barakeeyo.

Wasiirudowlaha Amniga Somaliya, Mudane Farxaan Ali Ahmed, ayaa asigana goobta ka sheegey ineey tahay wax aad loogu farxo in warshad Ogsijiin dhalisa aay Hormuud Salaam Foundation ku deeqdey oo keentay, haatan aay shaqeeyneeyso.

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa sheegety dhibaatada aay ku heeysey Ogsijiin la,aanta, balse maanta wixii ka danbeeya aay dhibaatadaas ka saartey Hormuud Salaam Foundation, waxaana allah ugu barisey in xoolahooda u barakeeyo, aayna aad iyo aad ugu mahad celineeyso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post