957 Views

Saaxiibada caalamka oo ka walaacsan xaaladda beni’aadanimo ee Guriceel

Saaxiibada caalamka oo ka walaacsan xaaladda beni’aadanimo ee Guriceel
____________________________________________________________________________

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
“Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab” ayaa lagu yiri war kasoo baxay beesha Caalamka.

Xubnaha beesha Caalamka ayaa dalbaday in xal deg deg ah loo helo dagaalka, islamarkaana la caawiyo dadkii ku barakacay dagaallada.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay beesha Caalamka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post