387 Views

Ruushka oo sheegay in Ciidamasiisa ay bar-tilmaameedsan doonaan Hubkasta oo gudaha Ukraine la geliyo

Ruushka oo sheegay in Ciidamasiisa ay bar-tilmaameedsan doonaan Hubkasta oo gudaha Ukraine la geliyo
____________________________________________________________________________

 

Sabti: April 30, 2022

Milateriga Ukraine ayaa shaaciyay in Ruushku uu hadda wado qorshe uu iskugu dayaya in uu ku dhamaystiro qabsashada laba magaalo oo ku yaalla gobolka Luhansk ee Rubizhne iyo Popasna.

Milateriga ayaa sheegay inay ka go’antahay inay sii wadaan iska caabbinta isku dayga ciidamada Ruushka ay ku doonayeen inay dagaal ku soo qaadaan qeybo ka mid ah gobolka Donbas ee ku yaalla bariga dalkaasi.

Maamulka deegaankuna ayaa sidoo kale sheegay in laba bas oo loo adeegsanayey daad gureynta dadka ay Ruushka duqeymo la beegsadeen.

Ukraine ayaa marar badan Moscow ku eedaysay inuu dadka ka soo daadgureynayo xadka, iyaga oo aan raalli ka ahayn si uu madax furasho iyo isdhaafsiga macabiista uu uga faa’ideysto.

Wasiir ku xigeenka beeraha Ukraine wuxuu Ruushka ku eedeeyey deegaannada ay qabsadeen iney ka dhaceeen boqollaal kun oo tan hadhuudh ah.

Kremelin waxay sheegtay iney ka warhayn eedda loo soo jeediyey ee ku aaddan xatooyada.

OFFice Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post