1878 Views

Ciidamo uu hogaaminayo Genaraal Saadaq John oo gaaray deegaanka xinlabi ee gobolka Mudug

Ciidamo uu hogaaminayo Genaraal Saadaq John oo gaaray deegaanka xinlabi ee gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

.

Khamiis: July 15 2021

Ciidamo uu hogaaminayo Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Genaraal Saadaq Cumar Xasan “John” Ayaa gaaray deegaanka xinlabi ee gobolka Mudug halkaas oo uu fariisin ciidan ka samaystay.

Saadaq john ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday ciidamo aruursi degmada Baxdo.

Ciidankaan uu wato taliye saadaq ayaa wararku sheegayaan inay duulaan ku yihiin degmada Bacaadwayne ee gobolka Mudug halkaas oo uu qorshuhu yahay in howlgal laba jiho ah lagu qaado.

about:blank Galmudug ayaa abaabul xoogan ugu jirta xoreynta deegaanada ka maqan gacanta maamulka waxaana abaabul xoogan uu ka socdaa deegaanka wisil oo ay ku sugan yihiin ciidamo kale duwan oo isugu jira CXDS iyo kuwa maamulka Galmudug.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa dhawaan iclaamiyay howlgal Al-shabaab looga sifaynayo deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Waxaa jirta in Al shabaab ay abaabul xoogan ka wadaan deegaanada Galmudug iyadoo ay jirto in Al shabaab ay mar walba ku soo laba kacleeyeen deeganada Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post