1683 Views

Golaha Shacabka oo ka dooday sharciyo muhiim ah

Golaha Shacabka oo ka dooday sharciyo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 22, 2018 —Kulanka baarlamaanka jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha  Golaha shacabka  Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan  ayaa looga Hadlay ilaa dhowr Ajando waxaana ahmiyad gaar ah la siiyey  akhrinta labaad hindisa sharciyeedka  wax ka badalka sharciga guud ee Hanti Dhowrka Qaranka.

Xildhibaanbada ka qeyb galay kulanka Baarlamaanka ayaa ka doodey  sharuudaha looga baahanyahay qofka u tartamaayo xilka hanti dhowrka Qaranka iyo qodobada uu ku weyn karo xilkiisa  waxa ay sidoo kale ay xildhibaanada qaar ka hadleyn sida Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu xilka ugu qaadi karo Hanti dhowraha  guud Qaranka.
Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in Hanti Dhowraha guud ee Qaranka xilka looga qaadi karo in ugu hyoreyn xildhibaanada Golaha Shacabka ay soo jeediyaan xil ka qaadistiisa oo ay deetana u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedceraalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo sharciyo badan oo la rajeynaayo in kulumada soo aadan ay wax ka badal ku sameyn doonaan sidaasna ay ku ansixin doonaan, baarlamaanka 10”aad ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa insharciyo badan oo hor yaallo aynan ansixin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment