1533 Views

Dowladda oo Ciidamo horleh Maanta geysay Dhuusamareeb

Dowladda oo Ciidamo horleh Maanta geysay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 30, 2019 –Wararka laga helayo Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas ay ka degatay diyaarad siday Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

 

Diyaarada ayaa la sheegay inay wado Ciidamo ka tirsan Booliska sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Caasimadda ah ee muqdisho, iyaga oo Ciidamadani qayb ka noqonaya Booliska sugaya Ammaanka Shirka Dib u Heshiisiinta Dhuusamareeb.

 

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale saacadaha soo socda Magalada Dhuusamareb ay tegi doonaan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo kala ah itoobiyaan iyo Jabuutiyaan,kuwaas oo ka ambabaxay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay dhowr mar u geysay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomalaiya,kuwaas oo la wareegay Xarunta Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha iyo Xarumo kale.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment