903 Views

Wiil Soomaali ah oo u tartamaya baarlamaanka Nederlands

Wiil Soomaali ah oo u tartamaya baarlamaanka Nederlands
____________________________________________________________________________

Isniin, 1 Maarso [Qaranimo Online] Nuur Iikar oo ah wiil dhalinyaro Soomaali ah ayaa ka mid ah dadka u tartamaya baarlamaanka Nederlands, doorashada dhici doonta 15, 16, 17-ka bisha Maarso ee sannadkan 2021.

Nuur Iikar, ayaa ka tirsan xisbiga DENK, oo ah xisbi aqlabiyadiisu ay tahay dadka ajnabiga ah, wuxuuna u soo jeediyey Soomaalida haysata dhalashada Dutch-ka in ay doorashada u soo baxaan, codkoodana ay siiyaan xisbiga DENK.

“Codkaagu wuxuu muhiim u yahay masiirkaaga iyo mustaqbalka caruurteena, waxaan haysanaa fursad aan ku kala dooran karno in annaga oo dhaqankeena & diinteena haysano aan xornimo ku noolaano, haddii aynaan doorashada u soo bixin codkeenu macno ma sameynayo” Ayuu yiri Nuur Iikar.

Nuur Iikar, wuxuu u balanqaaday dadka Soomaalida ah, haddii uu guuleysto in farriimaha Soomaalida uu gaarsiin doono guddoonka & xildhibaanada baarlamaanka.

Dadka Soomaalida ee degan Nederlands ayaa tiradooda lagu qiimeeyaa inta u dhexeysa 25 ilaa 30 kun.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post