2292 Views

Shacabka Boosaaso Oo Eedeyn loo jeediyay

Shacabka Boosaaso Oo Eedeyn loo jeediyay
____________________________________________________________________________

Boosaaso | QOL | June 17, 2018 –Yuusuf Maxamed Waceys Guddoomiyaha gobolka bari ee Maamulka Puntland ayaa shacabka magaalada boosaaso ku eedeeyay iney qeyb ka yihiin amni darada magaalada.

Waxa uu sheegay in shacabka aysan si toos ah oo hagar la’aan ah ula shaqeeyaan Ciidamada amaanka ee Puntland.

Waxa uu tilmaamay in shacabka ay qariyaan oo aysan soo sheegin dadka falalka amni darada ka wada magaalada.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada.

Guddoomiyaha gobolka bari ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys ayaa sheegay in gacanta ay ku hayaan dad dhibaateynaayay baalooyinka iyo agabyada kale ee korontad ee bilicda magaalada ka qeyb qaadanaya.

Guddoomiyaha ayaa shacabka ugu digay in loogu baahan yahay in ay feejignaan muujiyaan oo ay ka taxadaraan waxyaabaha qaar.

Waxa uu ugu dambeyn sheegay in Maamulka gobolka ay aad ugu fakirayaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta shacabka iyo hay’addaha kale ee Puntland.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment