693 Views

Muran hareeyay Baarlamaanka Puntland lana fasaxay

Muran hareeyay Baarlamaanka Puntland lana fasaxay
____________________________________________________________________________

Muranka ayaa ka taagan wax-ka-beddelkii lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland, iyada oo ay ku kala qaybsameen xildhibaannada Baarlamaanka.

Xildhibaan Axmed Kuluc oo kamid ah Golaha Wakiillada Puntland  oo u hadlay xildhibaannada qaadacay wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka ayaa sheegey in wixii dhacay ay ahaayeen sharci darro, isla markaana waddo sax ah aan loo.marin.

Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda BBC-da waxaa uu sheegay in aan sharci loo marin wax-ka-beddelka qodobka ah in aan ku dhacayaan Xildhibaannada 44 cod, isla markaana uu toos uga hor imaanayo Dastuurka waxkasta oo dastuurka ka horyimaaddana  aysan waxba kama jiraan”

” Waddanku maxkamad ayuu leeyahay iyadaana lagu kala baxayaa sidii dhawaanba dhacday mana aqbaleyno wax sharci darro ah ayuu yiri” Xildhibaanka.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa galay fasax mudda saddex maalmood ah, si ay u soo akhriyaan hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo loo qaybiyay shalay.

Kulanka Baarlamanka ayaa sida la qorsheeyay la isu’gu soo laaban doona maalinta Sabtida ah oo ku beegan July 17, 2021, iyadoo golaha la hor-keeni doono hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post