684 Views

Alshabaab Oo Xalay Weerar Ku Qaaday Saldhig Ku Yaal Magaalada Baydhabo

Alshabaab Oo Xalay Weerar Ku Qaaday Saldhig Ku Yaal Magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Talaado: December 21, 2021

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo la xiriira dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaare Rooble.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay weerareen saldhig ku yaal magaalada Baydhabo halkaa oo iska horimaad xoogan uu ka dhacay.

Iskahorimaad ka dhacay ayaan la ogeyn qasaaraha dhabta ah balse waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay mid kamid ah maxaabiista ku xiran saldhiga ay weerareen Alshabaab.

Ururka Alshabaab ayaa qoraal ay baahiyeen waxa ay ku sheegteen in dagaalka ay ka dambeeyeen.

Maamulka koofur galbeed ayaana wali ka hadlin dagaalka, waxaa uuna Dagaalkaan kusoo aadayaa iyadoo oo ay Halkaasi ku sugan yihiin Ra’isul wasaarw Rooble iyo Madaxweynayasha, Galmudug iyo Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post