1482 Views

Nin Doonayey Inuu Dilo Uhuru Kenyatta Oo La Toogtay

Nin Doonayey Inuu Dilo Uhuru Kenyatta Oo La Toogtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11,, 2019  –Arday Jaamacadeed oo 25-jir  ah ayey Saraakiisha Ilaaladda Khaaska u ah Madaxweynaha Kenya toogteen, xilli uu doonayey inuu ka boodo Derbiga xayndaabka u ah Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi oo hoy u ah Madaxweynaha dalkaasi, Uhuru Kenyatta.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Brian Kibet Bera, ahna Arday sannadkii 5-aad cilmiga Injineeriyadda Makaanikadda (Mechanical engineering ) ka ah Jaamacadda Jomo Kenyatta ee Beeraha iyo Teknoolajiyadda  ee  Jomo Kenyatta University of Agriculture and Technology (JKUAT) oo ku taalla meel 36 KM dhanka W/bari kaga toosan  magaalladda Nairobi.

Brian Kibet Bera waxaa la sheegay inuu fursad u helay inuu galo Aqalka Dowladda ee Nairobi, isagoo ka soo koray Albaabka loo yaqaano “Gate Bravo”.

Markii ay Ciiddanka ilaaladda joojiyeen waxa uu la soo baxay Mindi oo uu ku cabsi geliyey, balse, markii uu diiday inuu Boliska isku dhiibo, ayaa waxaa laga toogtay, lagana dhaawacay Garabka Bidix, sida ay Warbaahinta dalkaasi qoreen.

Markii la qabtay waxaa laga diiwaan-geliyey Saldhigga Boliska ee Kileleshwa Police Station, ka hor intaan loo gudbin Isbitaalka Dowladda ee Kenyatta National Hospital oo lagu daaweynayo.

Boliska dalkaasi oo ka hadlay dhacdadaasi waxay sheegeen in Brian Kibet Bera  oo ku hubeysnaa Mindi uu shalay galab abaarihii afartii iyo rubuc ee galabnimo uu  isku dayey inuu Aqalka Dowladda ka soo galo Derbiga xiga dhanka Ganjeelka “Gate B”, ka hor inta aan laga dhaawicin Garabka.

Taliyaha Saldhigga Boliska ee KilimaniMichael Muchiri waxa uu sheegay in Eedeysanaha laga diiwaan-geliyey Saldhigga Boliska ee Kileleshwa Police Station, haatanna lagu ilaalinayo qolka uu ka jiifo Isbitaalka Kenyatta National Hospital.

Boliska waxay qaadeen baaritaan ku aadan waxa ka dambeeya falka uu Ardaygaasi ku khasabtay isagoo Tooreey wata ka soo boodo Xayndaabka Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi.

 

Qoraal uu Brian Kibet Bera ku soo qoray bartiisa Facebook-ga habeenkii Axadda ee la soo dhafay waxa uu sheegay inuu soo weerari doono Aqalka Dowladda.

 

Wargeyska The Star iyo kuwo kale ayaa waxay soo bandhigeen qoraalka uu Ardaygaasi soo dhigay bartiisa Facebook-ga, oo u qornayd sidatan:

 

Ku socoto: Madaxweynaha Tuugga, Uhuru Kenyatta iyo kuwa shirkadda la leh ee la shaqeeya.

 

Berrito, waxaan soo weerarayaa Aqalka dowladda.

Ilaah ayaa ii soo diray inaan Go’aankiisa ku fuliya qof kasta oo tuug ah iyo qof kasta oo jaal ah Tuugga.

Ka timid: Amiirka Ethiopia oo horey loogu yeeri jirey Brian Kibet Bera.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment