414 Views

Diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo duqeymo ka geystay qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Diyaaradaha dagaalka  Itoobiya oo duqeymo ka geystay qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 7, 2022

Diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa maanta duqeymo ka geystay qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa ka dhacday deegaanada Bacda, Qabno iyo Cowmaad oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Mataaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, duqeynta ayaa la lagu garaacay goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya iyo dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dhawaan ayey aheyd markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaano dhaca xadka Itoobiya oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post