432 Views

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed oo shir gudoomiyey Shir deg deg ah oo looga hadlayey Amniga kadib kulankii Mansuur.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed oo  shir gudoomiyey Shir deg deg ah oo looga hadlayey Amniga kadib kulankii Mansuur.
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 13, 2022

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey Shir deg deg ah oo looga hadlayey Amniga.

Shirka waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan, kuwa ATMIS iyo Saraakiil ka socday Dowlada Ingiriiska.

Shirka waxaa diirada lagu saaray Xoojinta Amniga, Iskaashiga qeybaha kala duwan ee Ciidanka, Wadaagida Xogaha Argigixisada ay ku dhibaateyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Xoojinta Howlgalada Socda.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya Xilli Al-Shabaab ay bilihii lasoo dhaafay xoojiyeen weerarada ay ku qaadayaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana Qaraxyo ay ka dhaceen ilaa dhowr magaalo.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post