1395 Views

Ciidanka amniga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan

Ciidanka amniga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan
____________________________________________________________________________


khamiis: October 14, 2021

Ciidanka amniga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan ee ka howlgala Magaalooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waaberigii hore ee saakay howlgal ka sameeyay degaano hoostega degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Duufaan ee NISA ayaa howlgalka sigaar ah waxaa ay uga sameeyeen deegaanada Shaataloow, jalab salaamac gubad sanajiif iyo deegaano kale, waxaana ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanadaas.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada NISA degmada Luuq  ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa sheegay in howlgalkan lagu baadi goobayo rag hubeysan oo dhac u geystay dad reer miyi ah oo xoolo ah, in kastoo aan la shaacin dad lasoo qabtay.

Taliye Bakaal Kooke ayaa tilmaamay in marnaba aysan aqbali karin in la dhibaateeyo dadka shacabka ah ee kunool deegaano hoostega degmada Luuq, xili la sheegay in rag hubeysan ay dhac u geysteen dad xoolo dhaqato ah oo ay ka qaateen xoolo.

Ciidanka amniga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan iyo Ciidamo kale ayaa horey sidaan oo kale marar kala duwan howlgalo lagu sugayo amniga uga sameeyay degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post