1350 Views

9 jilaa oo shantii sano ee lasoo dhaafay Hindiya ka dhintay iyagoo da’ yar

9 jilaa oo shantii sano ee lasoo dhaafay Hindiya ka dhintay iyagoo da’ yar
____________________________________________________________________________

Jimco: September 10, 2021

 Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waaxda jilista filimada ee Hindiya waxaa gilgilay geerida jilayaal da’ yaraa oo u dhintay siyaabo kala duwan, qaarkoodna uu ka dhashay muran aad u weyn kaddib markii ay isdileen.

Waxaa xiddigaha dhintay ugu dambeeyay Sidharth Shukla oo 2-dii bishan ku geeriyooday magaalada Mumbai, isagoo da’diisu ay ahayd 40 sano oo kaliya.

Dhimashada atoorahan oo uu wadnaha istaagay ayaa dhalisay dood cusub oo la xiriirta in halista wadne xanuunka ee ku wajahan dadka dhallinyarada ah ay sii kordheyso, halka markii hore lagu tirin jiray oo kaliya dadka waayeelka ah.

Waxaa kale oo jiray jilayaal kale oo masraxyada faarujiyay shantii sano ee lasoo dhaafay gudahooda, kuwaasoo sababo kala duwan ay galaafteen.

Taageerayaasha filimada, saaxiibbadooda iyo eheladooda ayaa ilaa hadda rumeysan la’ dhacdooyinka ay sida kediska ah ugu dhinteen ilaa 9 jilaa, tan iyo 2016-kii.

1- Pratyusha Banerjee (24 sano)

1-dii bishii April ee sanadkii 2016-kii ayaa atariishadan meydkeeda laga helay gurigii ka dagganeyd magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Pratyusha Banerjee, oo ka tagtay magaalada Jamshedpur, waxa ay Mubai u tagtay si ay u tijaabiso nasiibkeeda dhinaca jilitaanka.

Waxay fursad ka heshay jilista filimka musalsalka ah ee lagu magacaabo Balika Vadhu, kaasoo uu sidoo kale ku jiray Sidharth Shukla.

Dadka saaxiibbada la ahaa atariishadaas waxay geerideeda ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa nin ay haasaawe wadaagi jireen oo lagu magacaabo Rahul Raj. Waalidiinteeda xitaa dacwad ayay ka gudbiyeen ninkaas.

2- Danish Zehen (21 sano)

Jilaagan da’da yaraa waxa uu noloshiisa ku waayay shil dhacay 20-kii bishii December ee sanadkii 2018-kii. Waxa uu soo caan baxay markii uu ka soo dhex muuqday filimkii nolosha dhabta ah ku saabsanaa ee “Ace of Space”, oo uu marti gelinayay Vikas Gupta.

21 jirkaas waxa uu taageerayaal badan ku heystay baraha bulshada, isagoo fal celin badan ka heli jiray muuqaallada iyo sawirrada uu soo dhigo.

Wali waxaa xasuustooda ku haya dadkii ay isu dhawaayeen iyo kuwii taageerada u hayay.

3- Kushal Punjabi (42 sano)

Kushal Punjabi waxa uu ahaa atoore jirkiisa si fiican u dhisay, xirfad aad u sarreysana leh. Waxa uu kasoo shaqeeyay filimada caadiga ah iyo kuwa musalsallada ah ee telefishinnada labadaba.

26-kii bishii December ee sanadkii 2019-kii ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Mumbai.

Xogta laga diyaariyay dhimashadiisa waxay muujineysaa in uu isagu isdilay, xilligaasoo ay da’diisu ahayd 42 sano oo kaliya.

Waxaa lasoo tabiyay in Punjabi uu in muddo ah la dhibaatoonayay walwal.

4- Sejal Sharma (26 sano)

24-kii bishii January ee sanadkii 2020-kii ayaa Sejal Sharma meykeeda laga helay guriga ay ka dagganeyd Mumbai, iyadoo la laalaadda xarin ku ceejisan.

Isla goobtaas ayaa laga helay warqad ogeysiis ah oo ay ku sheegeysay in sababta dhimashadeeda aan cidna lagu eedeyn karin.

Dad ay isku dhawaayeen ayaa sheegay in atariishadaas uu walwal soo wajahay kaddib markii uu dhammaaday filimkii ay ka qayb qaadan jirtay ee lagu magacaabayay “Dil Toh Happy Hai Ji”.

Waxay isku dayeysay in ay shaqo hesho balse waxaa ka tan batay walwalka oo gaarsiiyay ilaa heerka ugu dambeeya.

5- Preksha Mehta (25 sano)

Preksha Mehta waxay is dishay 25-kii bishii May ee sanadkii 2020-kii. Sida ay sheegeen xusbno ka mid ah qoyskeeda, Preksha iyaga ayay la joogtay waxa ayna ka careysneyd in aysan shaqeyn karin xilliga lagu jiray xayiraadaha uu sababay cudurka Covid-19.

Rajeev Bhadoriya, oo ah taliyaha saldhigga booliska ee Heera Nagar ayaa sheeciyay inuu jiray “qoraal ha bog ah oo uu qoray qof ku talagalay inuu isdilo, oo laga helay qolka Preksha, waxayna warqadda ku sheegtay inay muddo badan isku dayeysay inay u dulqaadato xaaladda lagu jiray balse ay ku guul darreysatay”.

Waxaa lagu soo warramay inay walwal badan dareemeysay maadaama aysan fasax u heli karin inay shaqeyso.

6- Divya Bhatnagar (34 sano)

Divya Bhatnagar oo wax kasoo jishay filimo caan ah oo ka baxayay telefishhanada, sida “Yeh Rishta Kya Kehlata Hai”, waxay u dhimatay xanuun dhinaca wadnaha ah, 26-kii bishii November ee sanadkii 2020-kii.

Sidoo kale waxay la xanuunsaneyd burunkiito iyo cudurka Covid-19 oo laga helay. Markii ay xaaladdeeda aad u xumaatay ayaa lagu xiray qalabka neefsashada.

Walaalkeed ayaa aheegay inuu qorsheynayo dacwad ka dhan ah atariishadaas ninkeeda, kaasoo ay dhowr qof ku eedeeyeen inuu marar badan u geysan jiray tacaddiyo uu ka mid yahay jirdil.

7- Samir Sharma (44 sano)

Samir Sharma wxa uu ahaa atoore caan ah oo ka qayb qaadan jiray jilitaanka filimada musalsalka ah ee ka baxa telefishinnada ugu waaweyn Hindiya.

6-dii bishii August ee sanadkii 2020-kii ayaa meydkiisa oo lalmada laga helay guri uu ka dagganaa xaafadda Malad ee magaalada Mumbai.

Nin saaxiibkiis ah oo magaciisa qariyay ayaa warbaahinta TOT u sheegay in Samir uu la xanuunsanaa dhibaatooyin dhinaca dhimirka ah, uuna booqan jiray qof la taliye ah.

8- Sushant Singh Rajput (34 sano)

14-kii bishii June ee sanadkii 2020-kii ayaa Sushant Singh Rajput meydkiisa oo lalmada laga helay guri uu ka dagganaa xaafadda Bandra ee magaalada Mumbai.

Warka ku saabsan dhimashadiisa ayaa argagax ku noqday guud ahaan shirkadda filimada Bollywoodka iyo waaxda jilista.

Sidoo kale waxaa buuq weyn dhaliyay waxa keenay dhimashadiisa, halka taageerayaasha iyo ehelkiisana ay billaabeen inay eedeeyaan gabadha uu shukaansan jiray.

Wali waxaa socda baaritaan ay dhacdadaas ku hayaan ciidamada booliska ee Hindiya.

9- Sidharth Shukla (40 sano)

Maalintii Khamiista ahayd ee ay taariikhdu ku beegneyd 2-dii bishan September, 2021, ayuu Sidharth Shukla geeriyooday kaddib markii uu wadnaha istaagay.

Isagoo tabardarro dareemaya ayay hooyadiis siisay biyo iyo jalaato. Dad gurigiisa booqday waxay sheegeen in uu codsaday in dhabarka loo riixriixo si uu u seexdo.

Subaxdii xigtay ayaa la arkay Sidharth oo jiifa goobtii xalay lagu ogaa, isagoo aan dhinac isu dhaqaajinin. Islamarkiiba waxaa loola cararay isbitaalka Cooper, laakiin waxay dhakhaatiirta sheegeen inuu meyd yahay.

Maalintii Isniinta ee 6-da bisha ayaa loo sameeyay munaasabad duco ah, taasoo ay ka qayb galeen saaxiibbadiis iyo ehelkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post