483 Views

Khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday xarun tareenada laga raaco oo kordhay

Khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday xarun tareenada laga raaco oo kordhay
____________________________________________________________________________


Sabti: April 9, 2022

Saraakiisha maamusha khadka tareenada ee dalka Ukraine ayaa sheegay in illaa 50 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan shan carruur ahi, weerar gantaal oo lagu qaaday xarun tareen oo ku taalla bariga dalka Ukraine oo la doonayay in laga daadgureeyo dadka rayidka ah ee ka cararaya colaadaha dalkaas ka jira. Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay illaa 87 qof oo kale.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay weerarkaas dhimashada badan geystey ee Jimcihii lagu qaaday xarunta tareenada ee Ukraine iyo werarada kaleba “mid aan gabi ahaanba la aqbali karin” iyo inay yihiin “xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee gargaarka bini’aadanimo iyo kan xuquuqul aadanaha, kaas oo ay tahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha falkaas ku kacay.”

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ku celiyay baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee ahaa “in si degdeg ah loo joojiyo dagaalkan naxariis darada ah” ee ka socda dalka Ukraine.

Labo gantaal ayaa la sheegay in lagu garaacay xarunta tareenada laga raaco ee Kramatorsk. Guddoomiyaha gobolka Donetsk ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku sugnaayeen xaruntan iyagoo isku dayaya in ay u baxaan meelo nabdoon xilli gobolkani uu u diyaar garoobay duullaan weyn oo Ruushku ku hayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Saraakiisha Ukraine ayaa ku eedeeyay dalka Ruushka inuu ka dambeeyay weerarka hase ahaatee Ruushka ayaa iska fogeeyey masuuliyadda weerarkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post