1359 Views

Kulan dhexmaray Puntland iyo WFP oo looga hadlay horumarinta Caafimaadka

Kulan dhexmaray Puntland iyo WFP oo looga hadlay horumarinta Caafimaadka
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 17da Maarso, 2021
Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan  oo ay waheliyaan Wasiirku kuxeeganka Wasaaradda Abdinaasir Yusuf Xaaji  iyo Agaasimaha guud Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan  ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiinta ka socday hay’adda WFP Soomaliya.

Waftiga WFP oo ay hogaaminaysay Lara Fossi ku xigeenka madaxa WFP ee Soomaaliya, waxaana ay masuuliyiinta wasaaradda la wadaagtay mashaariicda socota ee ay ka wada shaqaynayaan wasaaradda.

“ Mudane wasiir iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda waxaan ku faraxsanahay kulankaan maanta aan wada yeelanayno kaasoo aan iskaga waraysanayno halka ay marayso mashaariicda socota ee aan ka wada shaqaynayno iyo sidii loo sii hormarin lahaa”

“Waxaan bogaadinayaa sida wanaagsan ee wada shaqaynteena usocoto waxaana ku rajo weynahay aniga oo wakiil ka ah hay’adda WFP  ee Soomaliya inaan sii labo jibaari doono siina horumarin doono.”

“Dr Jamac Farax Xasan wasiirka  wasaaradda caafimaadka ayaa ugu horayn uga mahadceliyay hay’adda WFP wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa iyo sida ay uga go’antahay ka wasaaradd ahaan inay sii xoojiyaan mashaariicda soco”

Wasiirka ayaa masuuliyiinta ka socday WFP la wadaagay inay rabaan inay qayb ka noqdaan qorshaha wasaaradda ee 2021 taasoo ay ugu horayso sidii adeeg caafimaad loo gaarsiin lahaa meel kasta oo ay joogaan muwaadiniita Puntland si gaar ah horumarinta dhinacyada  Nafaqaynta, hooyada uurka leh iyo mida nuujinaysa.”

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post