1380 Views

Amiirka ugu awooda badan dalalka Muslimka ma aha MBS ee waa MBZ !!!

Amiirka ugu awooda badan dalalka Muslimka ma aha MBS ee waa MBZ !!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 08,, 2019  –Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salman”MBS”ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa uu u muuqday inuu yahay Amiirka ugu awooda badan dunida Muslimka hase yeeshee waxaa jira amiir kale oo la rumeysan yahay inuu yahay Amiirka ugu awooda badan dunida Muslimka waana amiirka leh dhaxaltooyada Imaaraadka Carabta Amiir Maxamed Bin Zayid “MBZ”.

Wargeyka caanka ah ee New York Times daabacay dhowaan maqaal dheer oo uu ugaga hadlayo awooda dhaxalsugaha Imaaraatka Carabka, Maxamed Bin Sayid.

 

Wargeyska ayaa qoray in sannadkii 1991-dii isagoo 29jir ah in Maxamed Bin Sayid uu bilaabay in uu Maraykanka hub iyo diyaarado dagaal ka iibsado kadib dagaalkii Gacanka.

 

30 sanno kadib xilligaas, wargeyska ayaa sheegay in dhaxalsugaha oo ah maamulaha magaalada Dubai iyo amiirka sida dadban u maamula Imaaraatka uu yahay ninka ugu awoodda badan dunida Carabta yahayna kan ugu saameynta badan.

 

Waxa uu maamulaa dhaqaale gaaraya $1.3 trillion doolar, taas oo ka badan midda uu heysto dal kasta oo adduunka ku yaala.

 

Saameynta uu ku leeyahay Maraykanka ayaa ah mid aad u ballaaran, gaar ahaan wuxuu wargeyska sheegay in uu ku fiican yahay sida uu Maraykanka ugu qancin lahaa wax kasta oo uu doonayo.

 

Balse sidaas oo ay tahay wuxuu wargeyska tibaaxayaa in amiirka uu hareer marayo Maraykanka, uuna gaarayo go’aanno kaligiis ah oo hawlgalo uga samaynayo Yemen, Soomaaliya, Liibiya iyo waliba Masar oo uu ciidamada ku taageeray in ay xukunka la wareegaan.

 

Dublamaasiyiinta Reer Galbeedka ayaa sheegay in Amiirka uu aad ugu qafiifay arrimaha Iran iyo ururka Ikhwaanka.

 

Maxamed Bin Zayid ayaa ka shaqeeyay xiriir dhow oo uu la yeesho madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xitaa ka hor intii uusan madaxweyne noqonin.

 

Waxa uu wargeyska sheegay in uu galaangal dhow la yeeshay dadka ku xeeran Trump, islamarkaana ka saxiixday heshiisyo ciidan iyo kuwa ganacsi.

 

Waxaa la sheegay in uu isku dayay in uu dhexdhexaadiyo Maraykanka iyo Ruushka.

Ugu yaraan illaa 5 qof oo u shaqaynaysay Maxamed Bin Sayid, Dhaxalsugaha Imaraatka, ayaa lagu hayaa baaritaano waaweyn oo ka socda Maraykanka.

 

Muddo labo sanno ah ma uusan soo booqanin Maraykanka, inkasta oo markii hore uu si joogto ah u tagi jiray. Isaga oo 18 jir ah ayuu ka qalin jabiyay jaamacad ku taalla Ingiriiska, wuxuuna bartay duulliyenimo.

 

Waxaa la sheegay in uu yahay nin aad u firfircoon, shirarka aanan kasoo dib dhicin, go’aanadana si dhaqso leh ku gaara. Saraakiisha Maraykanka waxa ay ku tilmaameen nin laab furan, aan isla weyneyn, qaxwihiisana isaga shubta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment