828 Views

Kulanka Xildhibaanada oo lagu ansixiyay habraaca guddoonka doorashada labada gole

Kulanka Xildhibaanada oo lagu ansixiyay habraaca guddoonka doorashada labada gole
____________________________________________________________________________

Isniin: April 18, 2022

kulan wadajir ah ay yeesheen Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu meel mariyay ajendayaashii la horgeeyay oo kala ahaa:

1. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.

2. Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka.

Xildhibaano gaaraya 190 ayaa ogolaatay in wax ka badal lagu sameeyo Habraaca ku-meel-gaarka ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo tan Madaxweynaha, waxaana diiday 6 Xildhibaan, halka uu ka aamusay 1 mudane.

Sidoo kale, Xildhibaanada labada aqal ayaa ansixiyay in lacagta is diwaangalinta musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha laga dhigo lacag dhan 40-kun oo dollar, halka markii hore ay ahayd ahayd 30-kun oo dollar.

Musharaxa u tartamaya Guddoomiye Baarlamaan waxaa isna laga qaadayaa lacag gaareysa 20-kun oo dollar, waxayna hore u ahayd 15-kun oo dollar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post