1425 Views

Sawirro:-Shirweyne Caalami Ah Oo Maanta Ka Furmaya Sharma-Sheek

Sawirro:-Shirweyne Caalami Ah Oo Maanta Ka Furmaya Sharma-Sheek
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 24, 2019 –Shirweynihii Koowaad ee Hoggaamiyayaasha dalalka Carbeed iyo kuwa Midowga Europe ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar.

Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalmood waxaa La-guddoomiye ka nodonaya Guddoomiyaha Ururka Midowga Europe, Donald Task iyo Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-siisii, waxayna Hoggaamiyayaasha kaga wada xaajoon doonaan Ajendayaal ay ugu muhiimssan yihiin Iskaashiga Carabta iyo EU-da, Ammaanka, Tahriibka, Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Xalladaha dalalka Syria, Libya, Falastiin iyo Yemen iyo qoddobo kale,

Madax sare o oay ka mid yihiin Madaxweyne Farmaajo, Boqorka Sacuudiga iyo Madax kale oo Carbeed ayaa iyagana ka qeyb galaya shirkaasi oo muhiimad u leh Danaha Guud ee dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Europe.

In ka badan 20 Hoggamiye oo ka socda Dowladaha EU-da ayaa la filayaa inay Kulankaasi ka soo qeyb galaan, halka Tiro aan la cayiman oo Madaxda dalalka Carabta ku wehlin doonaan Shirka Sharma-sheekh.

Dhinaca kale, Dowladda Qatar waxaa Shirkaasi u matalaya Wakiilkooda Joogtada ee u jooga Ururka Jaamacadda Craabta, Ibraahim Al-sahlaawi.

Wargeyska Arabi Al-jadiid ee ka soo baxa magaalladda London waxa u uka soo ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar inay go’aankaasi qaateen, kadib, markii ay Dowladda Masar warqadda Casuumaadda Ka-qeybgalka Shirkaasi ay ugu soo dhiibeen Safaaradda dalka Giriigga ku leeyihiin dalka Qatar, halkii  u unidaamku ahaa in si toos ah loogu soo dhiibo Wakiilka Joogtada ee Dowladda Qatar u jooga Xarunta dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment