1377 Views

Kulamo siyaasadeed oo Xasaasi ah Oo ka dhacaya Kismaayo

Kulamo siyaasadeed oo Xasaasi ah Oo ka dhacaya Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October11 -2019 —Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay martigelineysaa madaxdii ugu badneed ee halkaasi u tegay ka qeyb-galka caleema saarka Axmed Madoobe,hayeeshee ay wadan kulamo kala duwan.

 

Xalay Magalada Kismaayo waxaa kulmo kala duwan ku yeeshay madax ay kamid ahaayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya,Madaxweynayaashii hore ee Maamulka Galmudug & Koonfur Galbeed,Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomalaiya.

 

Kulamada ayaa waxaa ay uga hadlayeen marxalada siyaasadeed ee dalka kajirta xilligaan, iyada oo inta badna ay isla soo qaateen tallaabooyinka ay qaadayaan madaxda dowladda Federaalka & arrimo la xiriira doorashooyinka.

 

Ilo xog-ogaal ah ayaa Risaala u sheegay in kulamada kaliya aysan aheyn kuwo looga hadlayay arrimaha la xiriira caleema saarka,hayeeshee ay jiraan ama ay macquul tahay inay sameystaan madaxl isbaheysi ah oo ka dhan ah Dowladda federaalka.

 

Madaxweynaha Jubbaland ee dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam oo Caleema saarkiisa ay u joogaan Kismaayo wufuuda kala duwan ayaa Madaxda hore iyo Siyaasiyiinta kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland iyo qodobo kale.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda xoogeeda uu yahay ku dhaqmida Dastuurka iyo waxa dadka Soomaaliyeed raali ka yahay,hayeeshee sida hadda wax u socdaan aysan dowladnimo aheyn.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dusha ka fiirineysa waxaa xilligaan ka socda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyada oo horay u diiday doorashadii ka dhacday Kismaayo sheegtayna in la qaban doono doorasho kale oo xur iyo xalaal ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment