1410 Views

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddominaya shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo goor dhawayd ka furmay magaalada Guriceel

Madaxweynaha Galmudug oo  shir guddominaya shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo goor dhawayd ka furmay  magaalada Guriceel
____________________________________________________________________________

 
khamiis: October 28, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya inb halkaas uu ka dhacay galabta shirkii Golaha wasiirada Dowlada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor uu shir guddominayo shirka Golaha Wasiirada oo markii ugu horeysay lagu qabanayo magaalada Guriceel ee Galgaduud.

Sidoo kale Guriceel oo maalmo dagaal ah wajahday bilaawgii ilaa bartamihii todobaadkan, waxaa caawa ay martigalineysaa shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Galmudug.

Xaalada Guriceel, amniga guud degaanada Galmudug iyo doorashada Faderaalka ah ayaa la tilmaamayaa in looga hadlayo shirkan ka socda Guriceel.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post