1167 Views

-Madaxweynaha Jubbaland oo Eedeyn kulul u jeediyey Dowladda Federaalka

-Madaxweynaha Jubbaland oo Eedeyn kulul u jeediyey Dowladda Federaalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2019 –Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markale eedeyn kulul waxa uu u jeediyey Dowladda federaalka Soomaaliya,isaga oo sheegay in ay qalalaaso iyo amnidarro ay ka buureyso Magalada Kismaayo iyo deegaanada Jubbaland.

 

Waxa uu sheegay in dowladda ay dhaqaalo farabadan siiso dad degan Hoteelo ku yaallo Magalada Muqdisho,kuwaas amnidarro iyo fowdo ka abuurayo deegaanada Jubbaland waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Shacabka ku nool deegaanada Jubbaland ayaa ugu baaqay inay ka digftoonaadaana dad uu sheegay in loo soo dirayo Jubbaland, laguna amray inay xabad ridaan kaliya.

 

Khilaafka u dhaxeeyey Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa xoogeystay tan iyo markii uu bilaawday shirkii Garoowe,waxaana hoggaamiyaha Maamulkaas ee Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin toos ah ku heyso Maamulkiisa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment