789 Views

Xaalada Guriceel iyo Ahlusunna oo xalay lagu qanciyay inta aysan ka Bixin soo warejiyaan Tikniko ay ku qabsadeen dagaalkii Bohol Xog-

Xaalada Guriceel iyo Ahlusunna oo xalay lagu qanciyay inta aysan ka Bixin soo warejiyaan Tikniko ay ku  qabsadeen dagaalkii Bohol Xog-
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 27, 2021

Wararka ka imaanaya caawa magaalada Guriceel ayaa sheegaya in caawa ay ka jirto Nabad Buuxda kadib Dagalo socday ku dhawaad 4 maalin iyo afar habeen oo halkaas ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in xalay la soo af jaray Colaadii kadib Markii Ciidamada Ahlusunna ay ogolaadeen in ay soo Wareejiyaan gaadiid Dagaal oo bishaan horaanteedii ay ku qabsadeen dagal ka dhacay Deegaanka Bohol, arintaas oo ay dhex dhexaadiyeen Ganacsato ka soo jeedo Beesha Cayr.

Sidoo kale Gaadiidkaan ayaysan xalay horay u wadan Ciidamada Ahlusunna, waxayna uga tageen jaamacada oo ay maalmo badan ku dagaalamayeen.

Goobihii Ganacsiga isku socodka dadka gaadiidka iyo isticmaalka Internetka ayaa mar kale caawa ka hir galay magaalada Guriceel oo maalmo badan u dansaneed dagaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post