432 Views

Xisbiyada Mareykanka oo si xun isugu adeegsanaya qaxootiga magan galyo doonka ah

Xisbiyada Mareykanka oo si xun isugu adeegsanaya qaxootiga magan galyo doonka ah
____________________________________________________________________________

Sabti: September 17, 2022

Maamulka Madaxweyne Biden, ayaa guddoomiyeyaasha Jamhuuriga ee gobolada Texas iyo Florida, la barbar dhigay dadka wax tahriibiya, oo u soo daabulaya daraasiin muhaajiriin ah oo aan sharciyeysnayn, qeybaha uu xisbiga Dimuqraadigu hoggaaminayo ee dalka Maraykanka.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre, ayaa sheegtay in magan-gelyo-doonka loo sameeyey balan qaadayo aan waxba ka jirin, iyagoo lagu soo qaaday basas iyo diyaarado, ka dibna loogga tagay waddada hareeraheeda.

Guddoomiyeyaasha, Greg Abbot iyo Ron DeSantis, ayuu sheegay Biden inay isticmaalayaan xeelado kala duwan, si ay dareenka dadka ugu soo weeciyaan waxay ku tilmaameen guuldarradii Madaxweyne Biden, ee ah sugidda dha dhaqaaqa xadka koonfureed ee Mareykanka, xilli ay muhaajiriintu isku dayayaan inay ka talaabadaan.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan magaalada Washington, ayaa sheegaya in Aqalka Cad uu ka fiirsanayo inuu gudiyo dacwado la xiriirta tallaabooyinkan u danbeeyey, laakiin ma cadda in tallaabooyinka guddoomiyayaasha ay sharci darro yihiin iyo in kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post