981 Views

Shariif oo sheegay in aysan aqbali doonin in la Musuq maasuqo doorashada soo socota

Shariif oo sheegay in aysan aqbali doonin in la Musuq maasuqo doorashada soo socota
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October10 -2019 —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin la musuq maasuqa doorashada soo socoto.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda hadda jirta ku eedeeyay Caddalad daro wada gaartay dalka oo dhan Muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu dhibaateeyay.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in xisbiyadda Siyaasadda aysan aqbali doonin in shaqsiyaad gaar ah ay maamulaan doorashooyinka soo socda, islamarkaana hadii ay taasi dhacdo ay dhibaato weyn ka dhalan doonto.

 

Shariif Sheekh  oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dalka uu ku socdo meel halis ah, islamarkaana loo baahan yahay in la badbaadiyo.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku xayirtay Muqdisho Shariif Sheekh Axmed Xilli uu kusii jeeday Magaalada Kismaayo waxaana ka dhalatay Xiisad siyaasadeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment