741 Views

Soomaaliya oo ka qeybgaleyso shirka 23 ee wadamada ku bahoobay IORA

Soomaaliya oo ka qeybgaleyso shirka 23 ee wadamada ku bahoobay IORA
____________________________________________________________________________



khamiis: November 18, 2021

 Soomaaliya oo ka qeybgaleyso shirka 23 ee wadamada ku bahoobay IORA.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha debadda XFS Balal Cusmaan ayaa wadanka Bangladesh uga qeybgalay shirka 23 ee wadamada ku bahoobay IORA oo ah wadamada wadaaga Badweynta Hindiya.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshaha 2022 ilaa 2027 iyo saameynta Covid-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha wadamadaan iyo sida looga soo kabanayo.

 Inta uu socday shirkaan ayaa wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha debadda XFS Balal Cusman waxaa uu kullan gaar ah la qaatay wasiirka arrimaha debadda dalka Bangladesh DR A K Abul Momen waxaana ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Bangladesh, dhinacyada Ganacsiga, in la iska kaashado shirarka caalamiga ah, iyo sido kale deeqaha waxbarashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post