1089 Views

Ciidamada Puntland oo xiray Wariye Axmed Bootan oo shacabka Bosaso Sualo ka Waydiiyay Hadalkii Deni ee Xalay

Ciidamada Puntland  oo   xiray Wariye Axmed Bootan oo shacabka Bosaso Sualo ka Waydiiyay Hadalkii Deni ee Xalay
____________________________________________________________________________

February 22, 2021

Wararka laga helayo  magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland xireen Wariye Axmed Bootan oo kamid ah Wariyayasha Magaalada.

Wariye Bootaan ayaa Maanta dadweynaha Boosaaso weydiiyey aragtidooda ku wajahan Hadal-jeedintii xalay ee Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, taas oo ay dadka qaarkood ka hor yimadeen.

Lamaha amniga Magaalada Boosaaso ma shaacin sababaha loo xiray wariyaha, balse loo badinayaa inay tahay aragtidii uu weeydiiyay dadweynaha Boosaaso oo ay uga soo horjeesteen hadalkii uu xalay jeediyay.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Puntland lagu xiray dhowr wariye ,iyaga oo Shaqadooda kujira, waxaana Ururada Saxaafadda Soomaaliya ay walaac ka muujiyeen xariga Wariyeyaasha loogu geysanayo Magalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post