3447 Views

Dawlada Denmark Oo Mamnuucday Indho shareerka

Dawlada Denmark Oo Mamnuucday Indho shareerka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 01- 2018 Warbaahinta dalka  Denmark waxa ay maanta ku dhawaaqday in ay bilaabatay dhaqan galinta mamnuucitaan lagu soo rogay in bulshada dhexdeeda lagu xirto indho shareer.

Baarlamaanka Denmark ayaa bishii May ee sannadkaan Tallaabadaasi  meel mariyay.

Galinka dambe ee maanta ayaa la qorshaynayaa in uu dhaco mudaaharaad lagu diidan yahay arrintaas oo ay ka qayb qaadanayaan dumar Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslimiin ahayn, iyaga oo ka dhago adaygaya sharcigan cusub.

Hay’addaha Ammaanka waxa ay  xaq u leeyihiin in ay dul dhigaan ganaax 160 doolaar ah marka koowaad ee Sharcigaasi la jabiyo.

Booliiska ayaa awood u leh in ay dumarka niqaabka qaba ka dalbadaan in ay ka tagaan goobaha ay bulshadu wadaagaan.

Haddii uu ruuxu afar jeer sharcigaas jabiyana waxaa lagu ganaaxi karaa 1500 oo doolar.

Faransiiska iyo dalal kale oo Yurub ku yaalla ayaa horay u qaaday tallaabooyin ka dhan ah in bulshada lagu dhex xirto niqaab.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment