1392 Views

Tallaalka Karoona oo la gaarsiiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Tallaalka Karoona oo la gaarsiiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13da Maarso, 2021–Waxaa magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya la gaarsiiyay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

Tallaalkan ayaa gaaraya 108,000 oo xabbo, waxaana saaka xarigga ka jaray tallaalka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar.

Waxaana tallaalkan la siina doonaa shaqaalaha caafimaadka iyo dadka da’da ah.

Qofkii ugu horreeyay ee talaalka qaatay ayaa noqday madaxweynaha dowlad degaank Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Madaxda kale in ay qaataan talaalka oo muhiim ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post