693 Views

Qoraal lagu shaaciyay bogga xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo lagu sheegay in Farmaajo uu shaqada joojiyay

Qoraal lagu shaaciyay bogga xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo  lagu sheegay in Farmaajo uu shaqada joojiyay
____________________________________________________________________________

Isniin December 27, 2021

Qoraal lagu shaaciyay bogga xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaqada Ra’iisul Wasaaraha soo farageliyay uuna isku dayay inuu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay tallaabooyinkaasi baal marsan yihiin dastuurka iyo sharciyada dalka, “mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.” Ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post