1128 Views

Arsenal oo qiimeyneysa xaaladda Rob Holding oo ay madaxa jug kasoo gaartay ciyaartii Europa League ka tirsaneyd ee ay la ciyaareen Benfica.

Arsenal oo qiimeyneysa xaaladda Rob Holding oo ay madaxa jug kasoo gaartay ciyaartii Europa League ka tirsaneyd ee ay la ciyaareen Benfica.
____________________________________________________________________________

Febarayo   28 /2/ 2021

Arsenal ayaa qiimeyneysa xaaladda Rob Holding oo ay madaxa jug kasoo gaartay ciyaartii Europa League ka tirsaneyd ee ay la ciyaareen Benfica.

Thomas Partey ayaa la filayaa inuu ciyaartan kusoo bilawdo kaddib soo laabashadiisii oo uu badel kusoo galay ciyaartii lasoo dhaafay.

Leicester City ayaa guul gaartay saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay labadan koox ku wada kulmeen horyaalka Ingiriiska, waxaana ku jirta guushii 1-0 ahayd ee Emirates kusoo gaartayn bishii October ee sanadkii hore.

Kooxda lagu naaneyso The Foxes (Dawacooyinka) ayaa raadineysa inay markii ugu horreysay garaacdo Gunners labo jeer hal xilli ciyaareed tan iyo fasalkii 1973-74.

Arsenal ayaa guuldarro la kulantay saddexdii jeer ee ugu dambeysay horyaalka oo ay booqatay Leicester, waxaana ay qaateen casaan tiro ahaan ka badan goolasha ay dhaliyeen (labo casaan iyo hal gool).

Leicester City

Leicester City ayaa guul gaartay saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, waxayna guuldarro la kulantay kaliya hal kulan oo ka mid ah 12-kii ciyaar ee ugu dambeysay horyaalka.

Iney heysato 15 guul, afar barbarro iyo lix guuldarro waxay kala simman tahay heerkan oo kale markii ay joogtay xilli ciyaareedkii hore.

Shan ka mid ah lixda guuldarro ee xilli ciyaareedkan Leicester City kasoo gaartay horyaalka waxaa lagu garaacay garoonkeeda King Power Stadium.

Kooxda uu hoggaamiyo Brendan Rodgers ayaa guul gaartay 12 ka mid ah 13 kulan oo ay dhalisay goolka furitaanka ciyaarta xilli ciyaareedkan 2020-21.

Jamie Vardy ayaa dhaliyay 11 gool kaddib 12 kulan oo uu Arsenal ku wajahay horyaalka Premier League.

Arsenal

Arsenal ayaa la garaacay saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka Premier League.

Gunners ayaa gool dhalin weysay 10 kulan oo horyaalka Ingiriiska ka tirsan xilli ciyaareedkan, waxaana ay dhacday inay kulammo intaas ka badan gool dhalin weyso xilli ciyaareedkii 2005-06 inta la ciyaarayo 38 kulan fasalkiiba.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay 38 gool kaddib 50 kulan oo uu Premier League ciyaaray maalin Axad ah, waxayna wada ahaan ka badan yihiin goolasha uu dhaliyay isku darka maalmaha kale isagoo 56 kulan ku dhaliyay 24 gool.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post