2211 Views

IOM iyo UNHCR Oo Sheegay in 108 qof Oo Somali ah ay Dib ugu soo celiyeen dalkooda Kuwaasi Oo Kusugnaa Yemen.

IOM iyo UNHCR Oo Sheegay in 108 qof Oo Somali ah ay Dib ugu soo celiyeen dalkooda Kuwaasi Oo Kusugnaa Yemen.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 14 ,2017 —Hay’adaha Caalamiga ah ee socdaalka iyo Qaxootiga IOM iyo UNHCR ayaa shaaciyay inay dalkoodi dib ugu soo celiyeen 108 qof oo Soomaali ah kuwaasi oo ku sugnaa magaalada Cadan Caasimada KMG oo dhacda Koonfurta Yemen.

Hay’ada IOM ayaa war ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku sheegtay in qaxootiga Soomaalida ah ay kasoo baxeen Dekada magaalada Cadan 10-kii bishaan December waxana iyagoo nabad qaba ay tageen dekada Berbera ee Somaliland ay maamusho.

Waxa ay hay’adu sheegtay in soo amba bixixta dadkaan ay ahayd tii 17-aad iyagoo bada soo maray,horey waxa ay si wadajir ah IOM iyo UNHCR uga qeyb qaaten soo celinta qaxooti badan oo Soomaali ah oo ku go’doonsana dagaalka Yemen ka socda.

Xukuumadda Yemen ayaa sheegtay in tirada qaxootiga Soomaalida ee Yemen joogta ay gaaren laba million oo qof tan iyo markii u dagaalkii sukeeye ka dilaacay Somalia qarnigii tagay balse xaalada dalka Yemen oo kasii dareysa Soomaalida waxa ay go’aansadeen in ay dalkoodi dib ugu soo laabtaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment