939 Views

SAWIRO:-Taliyaha Ciidanka Lugta & Odayaasha Gaalkacyo oo ka shirey Colaada Mudug

SAWIRO:-Taliyaha Ciidanka Lugta & Odayaasha Gaalkacyo oo ka shirey Colaada Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 11 , 2019 | QOL |   –Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS S/guuto C/xamiid Maxamed (Dirir) oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa xalay kulan la yeeshey waxgaradka iyo masuuliyiinta ku sugan Magaalada Gaalkacyo ,kaas oo looga hadlayay soo afjarida Colaada ka jirta Gobolka Mudug.

 

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Qaybta 21-aad Janeraal C/casiis Cabdullaahi “Qooje” iyo Taliyaha Guutada 15-aad Janeraal Mascuud Maxamed,waxaana saraakiishaan iyo ciidamo ay hoggaaminayaan u tageen ka qayb qaadashada howlaha nabadeynta beelo ku dagaalamey meelo ka mid ah Gobolka Mudug.

 

Saraakiisha ayaa bulshada iyo masuuliyiinta kala tashadey sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada qabaa’ilka, iyagoo is tusiyay masuuliyada cid kasta ka Saaran badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

 

Saraakiisha uu hogagaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS S/guuto C/xamiid Maxamed (Dirir) ayaa la filayaa inay tagaan deegaannada ay labada maleeshiyo Beeleed ku dagaalameen si Ciidamo loo kala dhex-dhigo.

 

Dagaalkii dhawaan markale labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray duleedka degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment