615 Views

Booliska Soomaaliya oo Faah-faahin ka bixiyay Qaraxii Muqdisho ka dhacay.

Booliska Soomaaliya oo Faah-faahin ka bixiyay Qaraxii Muqdisho ka dhacay.
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 11, 2022

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax aadan oo warbaahinta Kula hadlay Halka uu ka dhacay Qaraxa ayaa Faah-faahin guud ka bixiyay Khasaaraha Qaraxa iyo Cidda lala eegtay.

Afhayeenka ayaa ugu horeeyntii sheegay in qaraxa oo ahaa qof isku soo xiray walxaha qarxa ay ku wax yeeloobeen 7 qof oo shacab ah, sidoo kalana bartilmaamedku uu ahaa taliye lagu magacaabo Generaal Garabeey.

Goobta uu qaraxu uu dhacay waa halka laga gallo sidoo kalana lagu hubiya gawaaridda aadeyso Dhanka garoon Diyaaradaha Aadan Cadde, iyo dhanka hoolka sahal, waana goob kamid ah meelaha aadka loo ilaaliyo, iyadoona dhowr jeer oo hore qarxyo ka dhaceen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post