2361 Views
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 03, 2017 – Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in heshiis horudhac ah ay kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca.

Labada dhinac ayaa wada hadal uga socday muddo 8 cisho ah dalka Jabuuti, waxaana wada hadaladan garwadeen ka ahaa Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiskan.

Waxaa saxiixa heshiiskan goobjoog ka ahaa Xubno ka socday Ahlusuna, Galmudug, dowladda Federaalka iyo IGAD.

Ahlusuna iyo Galmudug ayaa isu soo dhowaansho ka muujiyay khilaafaad horay u ragaadiyay labada dhinac, waxaana haatan isku raaceen inay ku midoobaan maamul mid ah.

Heshiiska rasmiga ah oo lagu soo bandhigayo qodobada heshiiska ayaa lagu wadaa in lagu saxiio magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment