1287 Views

Rooble oo amar kusoo rogay dhammaan wasiirada xukuumaddiisa inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka

Rooble oo amar kusoo rogay dhammaan wasiirada xukuumaddiisa inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka
____________________________________________________________________________

May 31 2021

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar kusoo rogay dhammaan wasiirada xukuumaddiisa inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

“Iyada oo la tix-gelinayo marxladda uu dalku ku jiro lana dardargelinayo habsami u socodka iyo iska warqabka laamaha Dowladda, si loo fududeeyo wadashaqeyntooda, ayaa waxaa la farayaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda oo ay warqaddaani sida tooska ugu socoto In aan la gaari karin lana shaacin karin go’aan cusub oo aan oggolaasho looga helin xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri waraaqda kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha

Rooble ayaa warqaddiisa ku caddeeyay in go’aankaan uu fududeynayo wada-shaqeynta & isla xisaabtanka Laamaha Dowladda si Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ula socdo howlaha la qabanayo.

“Go’aankani wuxuu fududeynayaa wada-shaqeynta iyo isla-xisaabtanka laamaha Dowladda iyo in aan la qaadan xilligan go,aano ku yeelan kara dalka saameyn Siyaasadeed, amni, maamul iyo mid dhaqaale, wuxuuna xaqiijinayaa in aanu dhicin xad gudub ku saleysan ku takrifal awoodeed” ayaa sidoo kale lagu yiri waraaqda.

Amarkaan ayaa wuxuu dhaqan galay 26 Bishaan May oo ah waqtiga ay waraaqadaan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Halkan hoose ka akhriso waraaqda

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post