789 Views

Mid ka mid ah xubnaha isku haya hogaanka jaaliyada Zwolle oo dacwad u gudbiyey FSAN

Mid ka mid ah xubnaha isku haya hogaanka jaaliyada Zwolle oo dacwad u gudbiyey FSAN
____________________________________________________________________________

Shir todobaadkii hore ay yeesheen  qaar ka mid ah ururada ku bahoobay dallada FSAN ayuu cabasho ka soo jeediyay Cabduqaadir Cali [Nuune] oo xilka guddoomiyenimada Magaalada Zwolle & nawaaxigeeda ay wada sheegtaan Axmed Hayaan.

Kulankaasi oo lagu qabtay aalada fogaan araga ee loo yaqaan [Zoom] Sebtidii, ayuu hadal uu ka jeediyey Cabduqaadir Nuune kulanka wuxuu ku dooday in ay qalad ahayd in FSAN ay ka ogolaato mid ka mid ah xubnaha Magaalada Zwolle daggan inuu Magaalada ku qabto tababar aan isaga  lagu soo wargelin, maadaama FSAN ay u aqoonsan tahay isaga inuu madax ka yahay jaaliyada Zwolle & nawaaxigeeda ku dhaqan.

“Kama filayn, in ay ka suurtowdo madaxda FSAN in annaga oo madax ka ah jaaliyada Magaalada inta ay na garab maraan in ay cid kale u ogolaadaan in ay Magaalada tababar ku qabtaan” Ayuu ku dooday C/qaadir Nuune, sida aan ka soo xiganay dad kulankaasi goob joog ka ahaa.

Nuune, oo guddiga jaaliyada Zwolle & nawaaxigeeda madax ka ahaa muddo ka badan 10 sanno,  wuxuu ka dabaaqtamayay tababar dabayaaqada bishii Ogoosto lagu qabtay magaca Somali4ALL, uuna soo agaasimay Cusmaan Abukar oo ka tirsan madaxda Somali4ALL, dhinaca kalena xubin firfircoon ka ah jaaliyada, tababarkaasi oo loo qabtay koox caruur & haween isugu jirta, waxaa tababarka lagu gorfaynayay saameynta xanuunka Covid19 uu ku yeeshay noloshooda.

Mid ka mid ah xubnihii shirkaasi ka qaybgalay oo codsaday inaan magaciisa la xusin, ayaa u sheegay SOMNIEUWS in lagu qanciyey C/qaadir Nuune in Cusmaan & isaga ay FSAN  u siman yihiin, maadama labada urur ee ay kaga tirsan yihiin FSAN oo kala ah: [Kaardo & Somali4ALL] aanu  midna   metelin jaaliyada Zwolle & nawaaxigeeda, ee ay yihiin ururo ay iyagu gaar u leeyihiin.

“Mudane C/qaadir, waxaan la soconaa in jaaliyada Zwolle & nawaaxigeeda ay 2 koox u kala qaybsan tahay, taas oo runtii FSAN ahaan aan ka xunahay,  haddii ururka aad kaga tirsan tahay FSAN uu ahaan lahaa midka ay ku middeysan yihiin jaaliyada [Somalische Vereniging Zwolle] gaf ayeey nagu ahaan lahayd inaan Cusmaan siino tababarkaas, balse hadda adiga Kaardo ayaad kaga tirsan tahay FSAN, ee waxaan ku waydiiyay Kaardo ma tahay urur metela jaaliyada Zwolle” Ayaa lagu yiri C/qaadir Cali Nuune.

Cusmaan Abuukar, inkastoo uusan wax xil ah  ka hayn 2da guddi ee isku haya hogaanka jaaliyada, haddana wuxuu muddo dhowr & 10 sanno ah jaaliyada Zwolle & nawaaxigeeda mas’uul kaga yahay dugsi laga caawiyo dadka Soomaalida ee Magaaladasi ku dhaqan, waxaana ay dad badani u arkaan inuu yahay shaqsi howsha iskaa-wax u qabsada ah ee uu jaaliyada u haya aysan jirin cid kaalintiisa buuxin karta.

Dad badan, waxay is waydiinayaan suurtagal ma tahay in FSAN ay ku soo baxdo khilaafka una kala gar-qaado shaqsiyaadka isku haya hogaanka jaaliyada.

Jaaliyada Zwolle & nawaaxigeeda ayaa ahayd jaaliyada keliya ee marka laga hadlayo Soomaali middeysan loo soo qaadan jiray tusaalaha, hasse ahaatee 2-dii sanno ee u dambeysay waxaa soo wajahay kala qaybsanaan araxda jebisay jaaliyada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post