1059 Views

Musiibo argagax le oo ka Taagan Magaalo uu Ruushk Go’doomiyay

Musiibo argagax le oo ka Taagan Magaalo uu Ruushk Go’doomiyay
____________________________________________________________________________

Talaado: March 22, 2022

Dagaalka Ukraine ayaa galay maalintii 24-aad, waxaana halkeeda ka sii socota khasaaraha naf, maal iyo qax ee ka dhashay dagaalka.

Dirirta ugu culus ayaa ka socota magaalada Mariupol oo ciidamada Raashiya awood badan iskugu geeyeen si ay u qabsadaan.

Magaalada Maripol 90% burbur baaxad leh ayaa soo gaaray, magaalada waxaa meel kasta daadsan maydka oo lama awoodo in la aaso, waxaa gabaabsi ah biyaha iyo cuntada, koronto in la helo waa dhif iyo naadir.

Ruushku wuxuu u qabtay waqti kama dambays in ay is dhiibaan ciidamada Ukraine iyo dadka ku dhaqan magaalada, xilliga kama dambaysta ah wuxuu ku ekaa 5-tii subaxnnimo saacadda Bariga Afrika.

Ukrainiyiinta waxay wacad ku mareyn inay dagaallami doonaan ilaa qofka ugu dambeeya, isla markaana aana is dhiibin doonin, taasi waxay dhallin doontaa dagaal lagu hoobto oo magaalada ka dhaca.

300 kun oo qof ayaa magaalada go’doonsan, iyadoo ay ku socotay duqeyn laba toddobaad oo xiriir ah

Mariupol waxay dhacdaa xeebta Ukraine waxay ku taalla gobolka Donesk oo ka mid ah Ukraine balse Ruushku u aqoonsaday Jamhuurad madaxbannaan, waxay kaloo xudun u tahay dhaqaalaha waa magaalo ay ku yaalaan in ka badan 50 warshadaha birta sameeya.

Mariupol waxay kaloo u sahlaysaa Ruushka inuu isku xiro labada gobol ee Donesk iyo Luhnsk ee uu aqoonsaday Jamhuuriyado madaxbannaan iyo gobolka Crimea ee 2014 uu ka qaatay Ukraine. Taasi oo ka macno ah in Ruushku heli doono dhul uu kaga gudbo goboladaasi, iminka Crimea iyo Ruushka waxaa isku xirto buundo dhaqaale badan uu kaga baxay Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy wuxuu sheegay in haddii ay guuldaraystaan wadaxaajoodyada nabadeed ee dalkiisa iyo Raashiya ay markaasi ka macno tahay in uu dhaco dagaalkii saddexaad ee adduunka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post