201 Views

Guddigga arrimaha dibada ee golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

Guddigga arrimaha dibada ee golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

 Arbaco: December 28  2022 

Guddigga Arrimaha Dibada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Jaamac Haruuse.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha Guddigga arrimaha dibadda Xildhibaan Cabdulaahi Bidhaan Warsame. ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Guddiga iyo Wasaaradda iyo sidoo kale in Wasaaradda soo gudbiso qorsho howleedkeeda.

Xubnaha guddigga ayaa su’aalo la xarriiro shaqada wasaaradda weydiiyay wasiir Abshir Cumar Jaamac Haruuse oo uu waheliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xildhibaan Isaaq Fanax, Xoghaye Joogtada Wasaaradda iyo Howlwadeenno ka socday Wasaaradda

Wasiirka ayaana ka jawaabay dhamaaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha guddigga Arrimaha Dibadda,waxaana kulanka guddiga iyo wasaaradda uu kusoo dhamaaday is afgarad iyo in ay dhex marto wada shaqeyn buuxda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post