618 Views

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in ay ku wajahan yihiin degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug

Milatariga Soomaaliya oo  shaaciyay in ay ku wajahan yihiin degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Taliska Ciidamada Milatariga Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay ku wajahan yihiin degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ku xooggan yihiin ururka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Milatariga Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Al-shabaab ka saari doonaan degmada Xarardheere iyo tuulooyinka.

Qorshaheena labaad waxaa uu yahay oo aan ku wajahanahay in aan cadowga ka sifeyno Xarardheere, waxaana Ummadda Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan kolkaan idinkala soo hadlo Xarardheere oo aan cadowga ka ciribtirno halkaas”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka.

Sidoo kale, wuxu sheegay in Al-shabaab laga xoreeyay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug kadib dagaallo muddooyinkii u dambeeyay ka socday halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post