1155 Views

Mashquulkii ugu badnaa oo ka jira Magaalada Dhuusamareeb

Mashquulkii ugu badnaa oo ka jira Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 19 -2020—Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa xilligana laag dareemayaa maqshuulkii ugu weynaa,iyada oo halkaasi ay ka socdaan howlo la xiriira dhismaha Galmudug.

 

Maalmihii la soo dhaafey waxaa Dhuusamareeb gaarey,wufuud isugu jirta, Wasiiro,Xildhibaano iyo siyaasiyiin,kuwaas oo doorweyn ku yeelanaya sidii oo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

 

 

 

Dhinaca kale waxaa Dhuusamareeb buux dhaafiyey dad u badan dhalinyaro,kuwaas oo dhankooda doonaya inay xilal kala duwan ka qabtaan Maamulkaas.

 

Wariyeyaasha Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay soo sheegayaan in Guryaha iyo Hotelada ku yaalla Magaalada Qqiimaha kirada ay noqdeen kuwo qaali ah marka loo fiiriyo sidii ay ahaan jireen.

 

Amaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey,waxaana lagu arkayaa Ciidamada kala duwan ee dowladda oo siweyn uga qeyb qaadanayo sugida Amniga, iyada oo la filayo in dhawaa ay ka dhacaan doorashooyinka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment