249 Views

Qasaaraha ka dhasahay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay fasal ay ku jireen arday badani oo ku yaallay Afghanistan oo kordhaya

Qasaaraha ka dhasahay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay fasal ay ku jireen arday badani oo ku yaallay Afghanistan oo kordhaya
____________________________________________________________________________


Sabti: OCTOBER 1, 2022

Qarax ismiidaamin ah oo aad u xooggan ayaa shalay ka dhacay fasal ay ku jireen arday badani oo ku yaallay caasimada dalka Afghanistan ee Kabul, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan 19 arday halka ay ku dhaawacmeen 27 arday oo kale.

Dadka ku waxyeelloobay qaraxan, waxaa ku jira hablo.

Goobjoogayaal iyo laamaha ammaanka ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay gudaha xarunta waxbarasho eee Kaaj oo ku taalla dhinaca Galbeed ee magaalada, halkaas oo ay u badan yihiin dadka Shiicada ahi.

Khalid Zadran oo u hadlay ciidanka booliska ee Kabul ayaa VOA u xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay qaraxan, isaga oo cambaareeyey weerarka, wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanka ee Taliban inay gaadheen goobta, isla markaana uu socdo baadhitaan arrintan la xidhiidha.

Khaalid Zadran, oo ah afhayeenka booliiska Kabul, ayaa VOA u xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay weerarka, wuxuuna cambaareeyay rabshadaha. Waxa uu sheegay in ciidamada ammaanka ee Taliban ay gaareen goobta, baaritaanna uu ku socdo.

Ardayda weerarka lala bartilmaameedsaday ayaa isu diyaarinayey inay galaan imtixaan, hase ahaatee waxay ku waabariisteen qaraxan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post