696 Views

Wasiirkii tamarta Nigeria oo Suuxay ka dib markii ay soo gaartey akhbaar sheegeysa in xilka laga qaadey.

Wasiirkii tamarta Nigeria oo Suuxay  ka dib  markii ay soo gaartey akhbaar sheegeysa in xilka laga qaadey.
____________________________________________________________________________

Axad: September 5, 2021

Wasiirkii tamarta waddanka Nigeria, Saleh Mamman, ayaa miyir-beelay ka gedaal markii ay soo gaartey akhbaar sheegeysa in xilka laga qaadey.

Saleh Mamman oo xilka hayey tan iyo 2019-kii ayaa markii uu suuxay waxaa la dhigay isbitaal halkaasoo lagu daaweynayo haatan.

Qoyskiisa ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in  uusan fileyn kana naxay xilka ka qaadista lagu sameeyey

63 sano jirkan ayaa 3-dii bilood ee lasoo dhaafay deganaa Hotelka loo tamashlo tago ee Transcorp Hilton halkaasoo ay ku biilayeen ganacsato ka fileysay inuu qandaraasyo siinayo sida uu qoray The Street Journal.

Wasiir Mamman ayaa ku baxay isku-shaandheyn uu golaha wasiirada bdala Nigeria ku sameeyay madaxwayne Muhammadu Buhari, waxaana dhacdadan si weyn looga hadal hayaa dalka Nigeria.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post