837 Views

Koofur Galbeed: Afgooye kama qeybgeli karto tartanka cayaaraha degmooyinka Banaadir

Koofur Galbeed: Afgooye kama qeybgeli karto tartanka cayaaraha degmooyinka Banaadir
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 16 2020
—Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha maamul-goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose aysan ka qeyb geli karin tartanka cayaaraha degmooyinka ee gobolka Banaadir.

Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan jirin casuumaad rasmi ah oo uga timid maamulka Banaadir oo ah in degmadaas ay ka qeyb gasho tartanka cayaaraha degmooyinka.

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu xusay in guud ahaan degmooyinka Koofur Galbeed aysan ka qeyb geli karin cayaaro aysan si rasmi ah ugu meteleyn maamul-goboleedkaas.

Tartanka cayaaraha degmooyinka Banaadir oo sanad walba la qabto ayaa lagu wadaa inuu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post