882 Views

Guddiga Rooble u xil saaray aaska Cali Mahdi oo sheegay in beri la keeno doono Maydka madaxweynaha

Guddiga Rooble  u xil saaray aaska Cali Mahdi  oo  sheegay in beri  la keeno doono  Maydka  madaxweynaha
____________________________________________________________________________

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Guddiga ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble u xil saaray aaska Allah u naxariitee, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, ayaa sheegay in maalinta beri ah la keeno doono  Maydka  madaxweynaha.

Cumar Maxamed Maxamuud, guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddigaas kamid ah ayaa sheegay in shaqada guddiga ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee  aaska qaran ee loo sameynayo madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday xalay isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo da’diisu tahay 83 sano jir.Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi ka kooban 11 xubnood oo ay kamid yihiin; wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir u xil saaray qaban qaabada aaska Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale, madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliy ayaa ku dhawaaqay in sadex maalin oo baroor-diiq ah loo sameyn doono isla markaana calanka jamhuuriyadda hoos loo dhigi doono, si loo maamuso madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii affaraad ee jamhuuriyadda Soomaaliya

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post