879 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulamo ka wada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulamo ka wada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16, 2020 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Galmudug oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Wasiirrada Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarkiisa.

Shirkan ayaa  diirradda lagu saaray wadashaqeynta, iskaashiga dowladda federaalka iyo Dowladda Goboleedka Galmudug ee  arrmaha amniga  dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa bixiyay faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Galmudug, waxaana uu sheegay in la dardaard gelinayo wada-shaqeynta Dowladda & Galmudug.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post