1827 Views

Kulanka Golaha Shacabka Oo Ka Socda Muqdisho

Kulanka Golaha Shacabka Oo Ka Socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 29, 2018 –Waxaa Xarunta Golaha Shacabka  si rasmi ah u furmay kulanka 31-aad Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa soo xaadiray 152 Xildhibaan, waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ajendaha kulanka ayaa ah hadal jeedinta guddoomiyaha Golaha Shacabka, aqrinta iyo ka doodista miisaaniyadda dowladda 2019.

Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay ansixiyaan Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2019.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment